3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2019
Shirka shanaad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay


Isniin, July, 08, 2019 (HOL)-  Raiisul wasaare ku-xigeynka Soomaaliya,  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaan maanta magaalada Muqdisho ka daah furay shirweynihii Shanaad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya.

Daahfurka shirweynaha waxbarashada dalka waxaa joob joog ka ahaa, wasiirka waxbarashada xukuumadda  Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka caafimaadka, wasiir ku xigeenno,Safiirro, Deeq bixiyaal caalami ah, Agaasimayaal iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay, xoojinta nidaamka waxbarashada Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa adeeg wax barasho oo dhameys tiran.

Raiisul wasaare ku-xigeenka ,Mahdi Maxamed Guuleed  ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay muhiimadda horumarinta waxbarashada Dalka, wuxuuna madaxda wasaaradda ku ammaanay horumarinta waxbarashada iyo dhameys tirka manjah wax tar leh.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlay shirweynaha Shanaad ee dib u eegista wax barashada Dalka iyo qorshaha u degsan wasaaradda,

"Waxaa Maanta si rasmi ah noogu furmay shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista waxbarashada Soomaaliya oo socon doona muddo Laba Maalmood ah, isla markaana lagu eegi doono waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay wasaaradda."ayuu yiri Wasiir Goodax.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradda wax barashada Soomaaliya iyo waxyaabaha dhameys tirka u baahan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/8/2019 2:10 PM EST
Isniin, July, 08, 2019 (HOL)- Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya , Maxamed Mukhtaar Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray gaaray magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

7/8/2019 1:56 PM EST
Isniin, July, 08, 2019 (HOL)- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meelmariyay xeerka saxaafadda Soomaaliyeed, muddo ay ka dooddayeen xildhibaannada golaha shacabka.

7/8/2019 1:44 PM EST
Isniin, July, 08, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta madaxtooyadda ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu dhowaan usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxa Hay’adda OCHA Justin Brady, Madaxa WFP ee Soomaaliya Lauren Bukera iyo Masuuliyiin kale.

7/8/2019 1:06 PM EST
Isniin, July, 08, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo dhawaanahaan uu ku sugnaa ayaa galabta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

7/8/2019 12:35 PM EST
Isniin, July, 08, 2019 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Isniinta maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiga Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz.

7/8/2019 10:53 AM EST
Isniin, July, 08, 2019 (HOL)-Ku dhowaad labaatan ruux ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen 24kii saacadood ee la soo dhaafay dagaal ka dhacay degaanno kala duwan oo ka tirsan degmada Ceel-af-weyn ee gobolka Sanaag.

7/8/2019 8:46 AM EST
Isniin, July, 08, 2019 (HOL)-Maxkamadda gobolka Maroodi jeex ayaa maanta xukun saddex sanno iyo lix bilood ku riday wariye Cabdimalik Muuse Coldoon oo muddaba ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaaladda Hargeysa.

7/8/2019 4:41 AM EST
Isniin, July, 08, 2019 (HOL)- Habka bixinta Buugga Caafimaadka iyo Talaalka la siiyo dadka dibadda u baxaya ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka taagnaa muran la xiriira cidda leh inay bixiso,iyadoo wasaaradda caafimaadka iyo maamulka gobolka Banaadir ay arrinta isku khilaafeen.

7/8/2019 3:00 AM EST
Isniin, July, 08, 2019 (HOL)- Gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay bar koontarool oo ku taal meel ku dhow isgoyska Digfeer ee magaalada Muqdisho,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

7/8/2019 2:17 AM EST
Isniin, July, 08, 2019 (HOL)- Hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika ayaa muddo dheer kaddib waxaa laga fili karaa inay ku dhawaaqan Aag ganacsi oo xor ah , iyadoo heshiis aagga la xiriira laga sugayo inuu ka soo baxo shirka madaxda Afrika uga socda magaalada Niamey ee caasimadda dalka Niger.

7/8/2019 1:59 AM EST
Isniin, July, 08, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda, sida ku cad wareegto xilli dambe oo xalay ah ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

7/8/2019 12:28 AM EST
Isniin, July, 08, 2019 (HOL)- Xarrakada Al-shabaab ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay waxaa ay afar ruux ku toogteen meel fagaaro ah degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.