4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2019
Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo saddex sanno iyo lix bilood lagu xukumay

 

Isniin, July, 08, 2019 (HOL)-Maxkamadda gobolka Maroodi jeex ayaa maanta xukun saddex sanno iyo lix bilood ku riday wariye Cabdimalik Muuse Coldoon oo muddaba ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaaladda Hargeysa.

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa lagu soo eedeeyey inuu Qaranka wax ka sheegay iyo dugsiga Abaarso oo waalidiintooddu sheegeen in ardayda dhigata uu wax ka sheegay.

Haseyeeshee, looyaradii u doodaayey Coldoon ayaa sheegay in aanu dugsigaasi Abaarso aanu wax dacwad ah soo gaadhsin maxkamada, isla markaana aanu qof ka mid ah masuuliyiintaasi aanay maxkamada ka soo xaadirin marka laga reebo waalidiin loo keenay maxkamada horteena inay ku markhaati furaan inuu wax ka sheegay ardayda dhigata dugsigaasi.

Garyaqaanada u doodayey Suxufiga ayaa sheegay inay khalad tahay in dadka lagu qabsado in la dhaliilo madaxweynaha, taas oo uu dastuurku damaanad qaadayo, waxaanu ka hor imanaysaa xoritayulqawlka, waxaanay xuseen inay aan biil ka qaateen xukunka.

Sidoo kale, ururka saxaafada Somaliland ayaa cambaareeyey xukunkaasi, isla markaana sheegay in la ilaaliyo xoriyatul qawlka oo qofku xor u yahay inuu dhaliili karo xukuumada.

Dhinaca kale, xalay waxa warbaahinta ka hadlay waalidiinta dhalay ardayda dhigata dugsiga Abaarso oo sheegay inuu ceebeeyey caruurtooda wariye Cabdimaalik Coldoon oo uu wax ka sheegay, taas oo maxkamadaha iyo xukuumaddaba ka codsadeen in dambigaasi uu ka gallay wax looga qabto.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.