4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2019
Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda

Isniin, July, 08, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda, sida ku cad wareegto xilli dambe oo xalay ah ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee  Puntland, ayaa waxaa loo magacaabay Cabdirisaaq Cumar Faarax , halka agaasimaha guud ee bangiga dhexe ee Puntland loo magacaabay Maxamed Faarax Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynaha Puntland u magacaabay Agaasimaha Guud ee Maxjarka,Cabdirisaaq Maxamed Xasan.

Waxaa kalo uu magacaabay madaxweynaha Puntland;

 Faysal Cabdullaahi Warsame oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
Cumar Saalax Aadan oo loo magaacabay Xisaabiyaha Guud ee Puntland

Keenadiid Cali Jaamac oo loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda

Abshir Maxamed Abshir oo  loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Magacaabiistan ayaa ku soo aadday xilli uu muddooyinkii dambe madaxweynaha Puntland is beddelo ku sameynayay mas'uuliyiinta xilalka ka haya hay'adaha maamulka,iyadoo xubnaha hadda laga qaaday xilka ay ku jiraan mas'uuliyiin muddo dheer xilal hayay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]