4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2019
Puntland oo hal arrin u sababaysay xarigga guddiga dib u dhiska waddada bartamaha Boosaaso

Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Bari, degmada iyo taliska booliska magaalada Boosaaso ayaa markii u horreysay si faah faahsan uga hadlay xarigga xubno ka tirsan guddiga dib u dhiska waddada bartamaha ee magaalada Boosaaso.

Duqa degmada Boosaaso,  Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo warbaahinta kula hadlay saldhigga dhexe ee magaalada Boosaaso ayaa ka warbixiyay xarigga xubnaha guddiga ee xiran iyo ujeeddada xiragooda, wuxuu ugu horreyn ku dheeraaday halka ay ka soo billaabatay dhaqaalo ay dowladda federaalka ugu yaboohday dhismaha waddada bartamaha, isagoo sheegay maamulka inuu ka codsaday ra'iisul wasaare Khayre dhammaadkii sannadkii hore ee 2018ka inuu ka qeybqaato dhammeystirka waddada.

"Arrimihii Gaalkacyo ka dhacay waxay sababeen waxyaalo badan oo aan shuruucda Puntland aan waafaqsaneyn.. waxaa dhacday lacag cadaan ah oo guddiyo iyo shacab reer Puntland ah gacanta loo galiyay iyada oo aan soo marin nidaamkii dowliga ahaa ." ayuu yiri duqa Boosaaso oo inta ku daray " Intaas kaddib madaxtooyada Puntland waxay awaamiir ku bixisay in wax lacag ah dalka soo gali karta aysan jirin ilaa ay soo marto nidaamkii saxda ahaa ee dowladnimada Puntland."

"Waxaa intaas kaddib soo gaartay magaalada Boosaaso lacag $150,000 ah oo tii xilliga xore aan codsanay ah, iyada oo ku soo dhacday akoonka qaaska ah ee guddiga waddada, markii aan oggaanay lacagta ka maamul ahaan waxaan la xiriirnay guddigii aan markii hore aan u igmanay howshan, waxaan ka codsanay in awaamiir dowli ah oo maamulka Puntland uu ka bixiyay in lacagta sinama aan lagu isticmaali karin jihooyinkii ay ka timid ay si qaldan ay ku timid oo halkaa lagu celiyay... haddii lacag la siinayo magaalo Puntland ah in mar dambe aysan dhicin majaro habaabin la soo mariyo nidaamka dowliga ah ee Puntland oo marka kaddib ay dowladda usoo wareejiso jahadii loogu talagalay." ayuu raaciyay.

Duqa degmada Boosaaso, ayaa caddeeyay in markii ay guddiga arrintaa ay la wadeegeen inay u sheegeen lacagta qeyb ka mid ah inay isticmaaleen awaamiirta kaddib, markaana la xiriray xubnaha guddiga.

Guddiga ayaa muddo shan habeen ah ku xiran saldhigga dhexe ee degmada Boosaaso, waxaana ka mid ah xubnaha xiran guddoomiyihii guddigaas, Sheekh Maxamed Macallin oo xalay xabsiga loo taxaabay iyo saddexda xubnood oo kale kuwaaso kala ah; Sheekh Maxamed Faahiye Ciise, Nabadoon Maxamed Ibraahin Xaaji iyo Eng Maxamuud Maxamed Xuseen (Maalfo).

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]