
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Wafuud ka socota wakiilada beesha caalamka iyo dalalka taageera dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay booqasho wada-jir ah ku gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug.
newsinsideWararka deegaanka laga helay ayaa sheegaya in diyaar garow la xiriira soo dhaweynta wafuudda inay ka socoto degmada Dhuusamareeb,halkaa oo saddexdii toddobaad ee u dambeeyay uu ku suganyahay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.
Muddada ay halkaa ku suganyihiin wafdigaa ayaa la filayaa inay kullamo la qaataan wafdiga ra'iisul wasaare Khayre , mas'uuliyiinta dowlad-gobolleedka Galmudug iyo qaybaha bulshada.
Ujeeddada socdaalka ayaa lagu sheegay inay la xiriirto sidii beesha caalamka ay u taageeri lahayd shir weynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo dhowaan la filayo inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Dowladda federaalka ayaa dadaallo ku bixinaysa dhismaha maamulka cusub ee Galmudug iyo dib u heshiisiin bulshada deegaannada.
[email protected]