4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2019
Ergadii soo dooratay xidhibaannada Federaalka oo looga digay in ay u hoggaansamaan awaamiirta Al-shabaab

 

Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Al-shabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku howlanaa in ay isugu yeeraan ergadii iyo odayaashii dhaqanka ee ka qeyb-galay doorashada iyo soo xulistii xildhibaannada Golaha Shacabka, iyaga oo ugu baaqaya in ay isugu yimaadaan deegaannada ay maamulaan.

Balse saraakiisha hay’addaha Amaanka gobolka Gedo oo arintan ka hadlay ayaa uga digay odayaasha dhaqanka iyo ergada intaba in ay u hoggaansamaan awaamiirta Al-shabaab.

Aadan Siraad Maxamuud oo ah guddoomiye ku-xigeenka degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegay in maamulkiisu tallaabo adag ka qaadi doono sida uu hadalka u dhigay cid kasta oo u hoggaansanta awaamiirta Ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa ku sheegay sababta ay ugu yeerayaan ergada iyo odayaashii dhaqanka soo doortay xildhibaannada in laga cafiyo sida ay hadalka u dhigeen qaladaadii ay horay u galleen.

Taliyaha Amniga degmada Garbahaareey Cabdi Xakiin Maxamed Cumar ayaa dhinaciisa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab xilligaan uu kala dhaxeeyo dagaal xoogan,isla markaana odaygii ama shaqsi kasta ee la macaamila ay la mid yihiin Al-shabaab maxkamadna ay la tiigsan doonaan.

Talaabadan oo kale waxaa qaaday oo u hoggaasamay amarka ka soo baxay Al-shabaab odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo qaarkood wali ku sugan deegaannada ay Al-shabaab ka maamulaan gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin cadaadis Al-shabaab ay ku hayaan odyaasha dhaqanka iyo ergadii soo dooratay xildhibaannada oo hadda qaarkood ku sugan deegaannada ay maamulaan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]