4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2019
Wasiirka maaliyadda Kenya oo la xiray

Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Hay'adaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay wasiirkii maaliyadda ee dalkaas , kaaso lagu soo oogay dacwado la xiriira musuq-maasuqa dhismaha laba biyo-xireen, waxaa sidaas maanta sheegay dacwad oogaha guud ee Kenya.

Wasiirka maaliyadda ee Kenya, Henry Rotich  ayaa dacwdaha ka dhanka ah waxaa  ka dhashay baaritaan ay booliska ku sameeyeen si qaldan u isticmaalka lacag loogu talo-galay mashruuc biyo-xireen ah oo ay maamulaysay shirkadda Talyaaniga ee CMC Di Ravenna.

Wasiirka ayaa waxaa dacwadaha lagula soo oogay 27 sarkaal oo kale, oo uu ku jiro Paolo Porcelli oo ah agaasimaha CMC di Ravenna, una dhashay dalka Talyaaniga, iyo wasiirka ku xigeenka maaliyadda Kenya, Kamau Thugge.

Rotich ayaa beeniyey inuu wax qalad ah sameeyey kaddib xayeysiin weyn oo uu bishii March ku daabacay wargeys. Shrikadda CMC Di Ravenna ayaa sidoo kale beenisay inay wax qalad ah sameysay.

Labada biyo-xireen ayaa waxaa loo qoondeeyey miisaaniyad ah 46 bilyan oo Kenya shilling una dhiganta 446 milyan oo dollar, sida uu sheegay Nooradin, hase yeeshee waxaa wasiirka iyo kuwa la eedeysan ay adeegsadeen lacag 17 bilyan oo Kenya shilling oo dheeraad ah, oo aan loo baahneyn.

Waxaa ay wajahayaan siddeed dacwad wasiirka maaliyadda iyo dadka kale ee la eedeyay, waxaana dacwadaha ka mid ah inay maleegeen inay wax qimaayeeyaan iyo si-xun u isticmaalka maaliyadda, sida uu sheegay Nooradin Haji oo ah agaasimaha dacwad-oogayaasha dowladda.

Wuxuu inta ku daray in wasiirka iyo saraakiisha kale ee eedeysan la horgeyn doono maxkamad, waxaana ay ka codsadeen dacwad oogayaasha Kenya mas’uuliyiinta Britain iyo Talyaaniga inay gacan ka siiyaan kiiskan, waxaana taas ka dhallan kara dacwado hor leh.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]