3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2019
Wakiilada beesha caalamka oo gaaray Dhuusamareeb


Isniin, July, 22, 2019 (HOL)-  Wafuud ka socda wakiilada beesha caalamka iyo safiiradda dalalka dibadda u fadhiya caasimadda Muqdisho ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Wafuudda waxaa garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay, wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga xukuumadda federaalka iyo madaxa xukuumadda ee maamulka Galmudug.

Xubnaha wafdiga ayaa isugu jira wakiilka Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, dalalka Mareykanka, Qatar, Britain, Talyaaniga, Turkiga, Norway, Jermalka, Itoobiya, Jabuuti iyo waddamada kale.

Ujeeddada wafdiga ayaa lagu sheegay inay la xiriirto sidii ay ula kulmi lahaayeen ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo muddo saddex toddobaad ku dhow ku sugan deegaannada Galmudug, mas'uuliyiinta maamulka iyo qaybaha bulshada ee Galmudug.

Xubnahan ayaa sidoo kale la sheegay inay taageeri doonaan shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee la filayo dhowaan inuu ka furmo Dhuusamareeb iyo dadaallada ku aaddan dhismaha maamulka cusub ee dowlad-gobolleedka Galmudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com
[email protected]











Click here
7/22/2019 2:13 PM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Bari, degmada iyo taliska booliska magaalada Boosaaso ayaa markii u horreysay si faah faahsan uga hadlay xarigga xubno ka tirsan guddiga dib u dhiska waddada bartamaha ee magaalada Boosaaso.

7/22/2019 1:02 PM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Saddexdii maalin ee u dambeysay boqollaal xujay ah ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho,iyada oo kaliya maanta lix boqol oo xujey ah ay ka dhoofeen.

7/22/2019 12:26 PM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa maanta kulankii ugu horeeyay la qaatay gudiga diyaarinta ama sameynta sharciga doorashooyinka Qaranka ee uu dhawaan magacaabay.

7/22/2019 12:15 PM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Xildhibaannada iyo ururrada bulshada rayidka ayaa ka dalbaday Puntland inay maxkamadeyso ama sii deyso dad lagu xiray magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

7/22/2019 11:50 AM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir ,Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax ayaa guddoomiyay shir looga hadlay xoojinta nabadgalyada ee gobolka Banaadir.

7/22/2019 11:42 AM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Hay'adaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay wasiirkii maaliyadda ee dalkaas , kaaso lagu soo oogay dacwado la xiriira musuq-maasuqa dhismaha laba biyo-xireen, waxaa sidaas maanta sheegay dacwad oogaha guud ee Kenya.

7/22/2019 11:16 AM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre ayaa maanta tababar u furay ciidamadii dhawaan laga qarameeyay deegaannada Galmudug ee loo diiwaan geliyay in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka, loona diyaarinayo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay dowlad gobaleedka Galmudug.

7/22/2019 11:13 AM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku geeriyootay 30 kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday baabur walxaha qarxa lagu soo buuxiyay oo ka dhacay waddo amnigeeda aad loo ilaaliyo oo ku taalla caasimadda Muqdisho.

7/22/2019 11:00 AM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Jowhar ka daah furay barnaamijka qololka Isgaarsiinta ee Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo World Bank uu ka hirgaliyay Xafiisyada Hirshabelle.

7/22/2019 6:08 AM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiilladaha hey’adaha caalamiga ah oo maanta magaalada soo gaaray.

7/22/2019 6:07 AM EST
sniin July 22 2019(HOL)Tartankii Ciyaaraha Kubadda Cagta ah oo uga socday Magaaladda Toronto ee dalka Canada 14 Kooxad oo kala yimi Canada ,Maraykanaka, iyo Ingiriiska ayaa shalay la soo gabagabeeyey tartankan oo la qabto sanad kasta hadeer oo kale ayaa sanadkaan ahaa kii 29aad waxuuuna bilowday bishaan July 11 shalay ayaa la soo gabagabyey.ahaa kii 29aad waxuuuna bilowday bishaan July 11 shalay ayaa la soo gabagabyey.

7/22/2019 4:07 AM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Qarax dhawaq culus ayaa goor dhow ka dhacay koontaraalka ugu horreeya ee laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimaadda Muqdisho, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

7/22/2019 3:40 AM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Thabo Mbeki oo booqasho ku jooga caasimadda Muqdisho ayaa dib u milicsaday waayihii wanagsanaa ee Soomaaliya.

7/22/2019 3:28 AM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Ingiriiska, Theresa May ayaa lagu wadaa inay maanta guddoomiso kullan ka dhan ah dowladda Iiraan oo ay yeelanayaan guddiga xaaladaha deg deg ah ee dalkaas.

7/22/2019 3:17 AM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Wafuud ka socota wakiilada beesha caalamka iyo dalalka taageera dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay booqasho wada-jir ah ku gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug.

7/22/2019 1:26 AM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Al-shabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku howlanaa in ay isugu yeeraan ergadii iyo odayaashii dhaqanka ee ka qeyb-galay doorashada iyo soo xulistii xildhibaannada Golaha Shacabka, iyaga oo ugu baaqaya in ay isugu yimaadaan deegaannada ay maamulaan.

7/22/2019 12:59 AM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay wafdigga uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Koonfur Africa Thabo Mbeki labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho