4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2019
Degmooyinka gobolka Banaadir oo iska-kaashanaya amniga

Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo  siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir ,Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax ayaa guddoomiyay shir looga hadlay xoojinta nabadgalyada ee gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka dhacay degmada Huriwaa ayaa diiradda lagu saaray wada-shaqeynta amniga ee degmooyinka gobolka Banaadir,iyada oo ay ka qeybgaleen ilaa shan guddoomiye degmo iyo taliyeyaasha saldhigyada booliska ee degmooyinka gobolka.

"Barnaamijkan waxaan ugu tala-galnay inay si wadajir ah degmooyinka isaga kaashadaan amniga iyo is-dhexgalka bulshada iyo is dhafsiga xogaha amniga ." ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka.

Wadashaqeynta amniga ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa qeyb ka ah barnaamijka ballaaran ee qorshaha amniga caasimadda Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]