4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2019
Puntland oo laga dalbaday in ay sii dayso dad Boosaaso lagu xir xiray

Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Xildhibaannada iyo ururrada bulshada rayidka ayaa ka dalbaday Puntland inay maxkamadeyso ama sii deyso dad lagu xiray magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

Maalintii afaraad ayaa waxaa xiran afar xubnood oo ka mid ah guddi u xilsaaran dhismaha waddada dhex marta magalaada Boosaaso, kuwaaso la sheegay inay u xiranyihiin markii ay maamulka isku fahmi waayeen hannaanka loo maray $150 kun oo dollar oo la sheegay in ay dowladda federaalka ee Soomaaliya ka heleen. Lacagtaas waxaa loo adeegsan lahaa dhismaha waddada, sida dowladda laga soo xigtay.

Puntland ayaa ku dooddaysa in lacagtaas ay ahayd in la soo mariyo Bangiga dhexe ee maamulkaas, guddigana laga codsaday in ay geeyaan Bangiga, ama ay dib u celiyaan balse ay ku gacan sayreen.

Xubnaha xiran waxaa ka mid ah guddoomiyihii guddigaas, Sheekh Maxamed Macallin oo xalay xabsiga loo taxaabay iyo saddexda xubnood oo kale kuwaaso kala ah; Sheekh Maxamed Faahiye Ciise, Nabadoon Maxamed Ibraahin Xaaji iyo Eng Maxamuud Maxamed Xuseen (Maalfo).

Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ayaa la sheegay in guddigaas ay u xil saareen qaban qaabada dhismaha waddada halbowlaha ah ee dhex marta magaalada Boosaaso.

Mana jirto ilaa hadda wax maxkamad ah oo la soo taagay, wallow xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan aw Cismaan uu  sheegay in dadkaas la xir xiray si dhakhso ah maxkamad loo hor geyn doono, raggaas ayuu sidoo kale sheegay in lagu soo xiray amar maxkamadeed.

"Marka qof dambi lagu soo eedeeyo, hay'adaha amniga ayaa soo eedeeya, sharciguna waa ka sarreeyaa cid kasta. Maxkamad ayaan soo taagi doonnaa marka uu soo dhammaado gal dacwadeedku," ayuu yidhi xeer ilaaliyaha guud Puntland oo la hadlay BBC-da.

Xeer ilaaliye Maxamuud Xasan ayaa intaas ku daray in xarigga raggaas ay waddo sharci ah u mareen.
Xeer ilaaliyaha oo BBC-da u warramay ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo lacagta la sheegay in dawladda fedaraalka ah ay bixisay iyo hannaanka ay soo martay labadaba, wuxuuna sheegay inay wadaan baadhitaan arrintaas ku saabsan. Wuxuu intaas ku daray in arrintani aanay ahayn "mid siyaasadeed", ayaguna ka garsoor ahaan aanay shaqo ku lahayn arrimaha siyaasadda, taas baddalkeedana ay ciddii la soo eedeeyo sharciga marinayaan.

Dhinaca kale, xildhibaanno ka tirsan Puntland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hab aan munaasib ahayn loo xiray dadka, waxaa ay marka ka dalbadeen Puntland inay dib xorriyadooda usiiso.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Siciid Faarax,  oo ka mid ahaa mudanayaashii warbaahinta la hadlay ayaa sheegay xarigan guddiga inay kala hadleen madaxweynaha Puntland iyo guddoonka Baarlamaanka, wuxuuna caddeeyay in xarigooda loo sababeeyay lacagtii ay ka heleen dowladda federaalka.

"Waxa noo qorsheysan maaddama aan matalayaal nahay inan dadka u qareeno, Baarlamaankana horgeyno arrintooda." ayuu yiri xildhibaanka oo la hadlay idaacadda VOA-da.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]