4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2019
Kooxda Minnesota Tigers oo ku Guulaysatay Koobka Todabaadka Soomaalida Toronto 2019.


Isniin July 22 2019(HOL)Tartankii Ciyaaraha Kubadda Cagta ah oo uga socday Magaaladda Toronto ee dalka Canada 14 Kooxad oo kala yimi Canada ,Maraykanaka, iyo Ingiriiska ayaa shalay la soo gabagabeeyey tartankan oo la qabto sanad kasta hadeer oo kale ayaa sanadkaan ahaa kii 29aad waxuuuna bilowday bishaan July 11 shalay ayaa la soo gabagabyey.ahaa kii 29aad waxuuuna bilowday bishaan July 11 shalay ayaa la soo gabagabyey.


Ciyaarahan sanadkaan 2019 ka waxaa gabagagadii isagu soo haray kooxaha Ottawa FC ka dhasan  Magaaladda Ottawa iyo kooxda Minnesota Tigers oo Minnesota ka socotay , waxaana 3 gool iyo 2 guushu ku raacday Kooxda Tigers MN oo iyadu sanadkaan ku guulaystay koobkan.

Waxaa shalay garoonka soo buux dhaafshay dadwaynaha dagan magaaaladda Toronto iyo madaxda ay soo doortaan oo aan ka xusi karo duqa magaaladda Toronto John Tory.Xildhibaan Faysal Xasan iyo madax kale, halka Raysal wasaaraha Soomaaliyana uu fariin cod ah uu ku taageerayo ciyaarahaan TODAY uu hawada u soo mariyey.

Ciyaaryahanada labadan kooxood ayaa bandhigay ciyaar aad loo jeclaystay inkastoo kooxda Minnesota ay shalay mar kasta hogaanka xaga goolasha ay iyadu haysay Ottawa FC ay barbaraysiinaysay ciyaarta.


Yuusuf Yobaybi oo gudiga ciyaarahan ka tirsan ayaa HOL u sheegay in uu ku faraxsan in ilaah ugu soo dhameeyey si farxad leh, waxuuna Yuusuf oo ku haddlaayey magaca TODAY wuu u mahadceliyey ciyaartooyda dhalinyarada ah iyo kuwii magaca ku lahaa bari samaadkii dalka hooyo ee Soomaaliya oo sanad walba ka soo qaybgala ciyaaarahaan.


Ururka Today ee magaalada Toronto ayaa iyaguna sanad walba ciyaarahaan si wayn u soo qabanqaabiya waxayna sanadka soo socda hadii alle idmo u dabaaldagi doonaan sanadguuradii 30aad ee Ciyaaraha Todabaadka Soomaalida ee Toronto.


Siyad Said Salah

Hiiraan online
Toronto,Canada