Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa maanta kulankii ugu horreeyay la qaatay guddiga diyaarinta ama sameynta sharciga doorashooyinka Qaranka ee uu dhawaan magacaabay.
newsinsideKullanka waxaa diiradda lagu saaray dar dar gelinta howlaha diyaarinta sharciga doorashooyinka iyo siddii guddiga marka hore dhexdiisa hoggaan isaga dhex dooran lahaa.
Guddoomiye Mursal, ayaa guddiga faray in muddo 60 cisho ah ay ku soo diyaariyaan Sharciga doorashooyinka, si baa la yiri loo dardar galiyo doorashada dalka ka dhacaysa 2021.
Waxaa ay arrintan muujinaysa in sharcigii doorashooyinka ee ay kol hore soo ansixiyeen Golaha Wasiirrada uu meesha ka bixi doono, lana filayo hannaan cusub oo doorasho inuu Guddigan soo bandhigo.
[email protected]




