4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Tababar u Furay Ciidammada Xoogga Ee Dhawaan Laga Qaremeeyay Deegaannada Galmudug


Isniin, July, 22, 2019 (HOL)-  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre ayaa maanta tababar u furay ciidamadii dhawaan laga qarameeyay deegaannada Galmudug ee loo diiwaan geliyay in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka, loona diyaarinayo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay munaasabadda furitaanka tababarka ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay tababarka uga faa’iideystaan hannaanka ugu habboon si ay awood buuxda ugu yeeshaan in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ka xoreeyaan argagaxisada dhibaatada ku heysa ee ka hor taagan horumarka

Khayre ayaa reer Galmudug iyo dhammaan mas’uuliyiintooda uga mahadceliyay dowrka ay ka qaateen fududaynta qarameynta ciidanka, waxa uuna ciidanka iyo saraakiisha faray kadib tababarkoda in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed si wadajir ah ugu shaqeeyaan ayna ka qayb qaataan soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda furitaanka tababarrada ciidammada dowladdu ay dhawaan qarameysay waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tirsan golaha wasiirrada, madaxa fulinta Galmudug, wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]