4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2019
Mas'uuliyiinta degmada Gaalkacyo iyo shirkadda Kebarco oo xarig jaray dhismaha masaajid iyo madaraso laga hirgaliyay duleedka Bacaadweyn

Khamiis, April, 04, 2019 (HOL)–  Duqa degmada Gaalkacyo,Saahid Maxamuud Cali Xaaji Sayn iyo mas'uuliyiinta shirkadda Kebarco ayaa xarig jaray masaajid iyo madaraso laga hirgaliyay deegaanka Kheyr-doon oo hoos taga deegaanka Bacaadweyne ee gobalka Mudug.

Ururka World Assambly of Muslim Youth (WAMY) ayaa bixiyay dhaqaalaha ku baxay dhismaha masaajidka iyo madarasada, waxaana dhismaha fulisay shirkadda Kebarco,iyadoo deegaankaa ay horey u codsadeen dhismaha masaajid iyo madaraso.

Dadka deegaanka Kheyr-doon oo hoos taga deegaanka Bacaadweyne ayaa u mahadceliyay ururka bixiyay dhaqaalaha lagu dhisay masaajidka iyo shirkadda fulisay dhismaha.

Shirkadda fulisay dhismaha ee Kebarco ayaa mashaariic dhismayaal waddooyin iyo dhismayaal bulsho ka wadda deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]