4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2019
Ganacsiga Xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi oo maalintii Labaad xiran

 

Khamiis, April, 04, 2019 (HOL)– Ganacsatada xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa go’aan ku gaaray in ay xiraan dhamaanba goobaha ganacsiga xaafadda iyaga oo ka cabanaya canshuur xad dhaaf ah oo ay ku soo rogtay hay’adda Kenya u qaabilsan canshuuraha.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada Eastleigh Sheekh Ibraahim Xusseen ayaa sheegay in halkii feet Konteenar ah oo markii hore la canshuuri jiray [30,000 oo dollar] hadda la gaarsiiyay qiimo lacageed oo dhan [120,000 oo dollar] taasoo macneedu noqonayo in Konteener-kiiba lagu kordhiyay qiimo lacageed oo dhan 90,000 oo dollar.

Wuxuu sheegay in arintaa aan la aqbali karin islamarkaana sii xirnaan doonaan goobaha ganacsiga xaafadda Eastleigh inta laga wax laga qabanayo cabashadooda.

Dekedda magaalada Mombasa ayaa lagu soo waramayaa in ay ku xayiran yihiin Konteenaro ganacsi, halka kuwo kale oo ka soo socday dilalka xiriirka ganacsi la leh Kenya sida China dib loo celiyay.

Waxaa socda dadaalo la doonayo in lagu xaliyo cabashada ganacsatada oo uu qeyb ka yahay madaxweyne Uhuru Kenyatta si dib loogu soo celiyo ganacsigii xaafadda Eastleigh oo lafdhar u ah guud ahaanba marka la eeg ganacsiga dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]