4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2019
Taliska Booliiska oo sheegay in la sii adkeynayo Amniga magaalada Muqdisho

 

Khamiis, April, 04, 2019 (HOL) - Iyadoo dhawaan maamulka gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay in mudo saddex bilood ah xaalad deg deg ah la galiyay magaalada Muqdisho, ayuu taliska Booliiska Soomaaliyeed sheegay in la sii adkeynayo amniga magaalada.

Magaalada ayaa u kala qeybsan labo dhinac oo gaadiidka dadweynaha isaga kala gudbin karin, waxaana la arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa nabad-galyada oo Isgoys walba taagan islamarkaana hubinaya baaritaanno dheeraad ahna ku sameynaya gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Zakiya Xusseen Axmed ayaa ugu baaqday shacabka in ay dulqaad muujiyaan inta ay socdaan sida ay hadalka ku dhigtay howlgalada nabad-galyada lagu xaqiijinayo oo lagala kulmi karo ciriir dhinaca isku socodka ah.

Taliska Booliiska ayaa maalintii shalay soo bandhigay muuqaalka ama sawirka gaari ay sheegeen in lagu soo raray walxaha qarxa oo la doonayo in lagu dhibaateeyo Shacabka Muqdisho.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay Wadooyinka magaalada Muqdisho waxaana ka socda baaritaano kala duwan oo Ammaanka lagu xaqiijinaayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]