5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2019
Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, April, 04, 2019 (HOL)– Qaraxan oo ahaa mid siweyn looga wada maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goor dhaw ka dhacay meel aan ka fogeyn dugsiga tababarka Booliiska Soomaaliyeed ee Jen Kaahiye degmada Xamar Jajab.

Qaraxan lama oga waxa loo adeegsaday hasse ahaatee waxaa loo maleynayaa in uu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa durbaba gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay.

Wixii faah faahin ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]