4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2019
Mas’uuliyiinta laamaha Amniga dowladda oo looga yeeray Golaha Shacabka

 

Khamiis, April, 04, 2019 (HOL) - War Qoraal ah oo ka soo baxay guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa laga dalbaday Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga iyo taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo Nabad-sugida  in ay hor yimadaan xildhibaannada maalinta Sabtida ah loo balansan yahay in laga dooddo Amniga guud ahaan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa lagu wadaa in ay mas’uuliyiinta wax ka weydiiyaan xaalada Amni ee dalka oo maalmihii la soo dhaafay aheyd mid aad u xun, iyada oo sidoo kale ay socdaan howlgallo baaritaano ah.

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku dooddaya in shaqada ugu weyn ee golaha u taala tahay sidii ay xukuumadda ugula xisaabtami lahaayeen Amniga iyo sababta wax looga qaban waayay qaraxyada iyo weerarrada Al-shabaab ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho 

Qoraalka ka soo baxay guddoonka Golaha Shacabka :

  

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]