4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2019
Soomaaliya oo Kenya kala hadashay burburinta shirkaddaha Isgaarsiinta

 

Khamiis, April, 04, 2019 (HOL) –Wasiirka Wasaarradda Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Kenya kala hadleen duqeymaha iyo burburinta lagu hayo shirkaddaha Isgaarsiinta.

Wuxuu sheegay in dowladda Kenya u gudbiyeen liiska shirkaddaha la bur-buriyay oo intooda badan ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, waxaa sidoo kale ka mid ah shirkaddaha Somtel iyo xawaaladda Amal.

Wasiirka uu hadalkiisa intaasi ku daray in Kenya uu ka dalbaday in xal koo helo arrinta soo laab laabatay ee ah dhibaatada ay ciidamada Kenya ku hayaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Ciidamada Kenya ayaa bilihii ugu danbeeyayba weerarro burburin ah ku hayay xarumaha Isgaarsiinta qeybo ka mid ah gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose iyaga oo sidoo kalana dilay shaqaale ka tirsanaa xarumahaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]