4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2019
Al-shabaab oo dilay Labo ruux oo raashin u waday degmada Marka

 

Khamiis, April, 04, 2019 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab dileen Labo ruux oo ganacsato ah kuwaa oo raashin ku u waday degmada Marka.

Labada ruux ee la dilay ayaa la sheegay in ay wadeen Labo gaari oo kuwa Dibiga lagu jiido ah oo ay ku rarnaayeen raashin gudaha loo soo galinayay degmada Marka, waxaana lagu qabtay inta u dhaxeysa Degmada Janaale iyo Deegaanka Buufoow.

Dadka deegaan ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab Labada ruuxba gowraceen, kaddib markiia ay gacanta ku dhigeen.

Horay Al-shabaab waxaa ay dadka Shabeellaha Hoose uga digeen in ay ganacsi la wadagaan deegaannada ay dowladdu maamusho.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo la xiriira dilka labadan ruux ee ganacsatada ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]