Ciidamadii hore ee naafadda xoogga dalka oo dibadbax ka hor dhigay xarunta madaxtooyada
Khamiis, April, 04, 2019 (HOL)–Dibadbaxan oo
noqonaya kii ugu horeeyay oo dhigaan ciidamadii hore ee naafadda xoogga dalka
ayaa xiligan ka soconaya ilinka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa ka cabanayaan mushaar la’aan iyo daryeel
xumo heysata sida ay sheegeen,waxaana ay dowladda Soomaaliya ka dalbadeen inay
siiso xaquuqdii ay ku lahaayeen.
Qaar ka mid ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo ku dhan Afar
bilood aysan helin xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda, iyaga oo diiday in
gudaha loo galo ama laga baxo madaxtooyada Soomaaliya.
Ciidamada ilaalada madaxtooyada ee u sugan
albaabka ayaa isku-dayaya in ay xakameeyaan dadka banaanbaxa dhigaya,waxaana
goordhow gaaray warbaahinta kala duwan qaarkood.
Dhawaan ayeey aheyd markii magaalada Muqdisho iyo
qeybo ka mid ah gobollada dalka dibadbaxyo ka dhigeen qaar ka mid ah ciidamada
xoogga dalka oo ka cabanaya mishaar la’aan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]