Madaxtooyada Somaliland oo ka hadashay dacwadda loo haysto ganacsade Axmed Cismaan Geelle
Khamiis, April, 04, 2019 (HOL)– Madaxtooyada
Somaliland ayaa maanta qoraal ka soo saartay dacwada loo haysto ganacsade Axmed
Cismaan Geelle oo maalmahan dambe dadweynuhu aad u hadal hayeen.
Afhayeenka madaxweynaha Maxaxamuud Warsame oo ka
waramaya dacwaddaasi u dhexeysa ganacsadaha iyo baan Faransiisku leeyahay
khilaafka soo kala dhexgalay, waxaa ay u qornayd sidan;
“Waxa jirta deyn Shirkadda GSK, ee uu mulkiilaha
ka yahay Axmed Cismaan Geelle ka qaadatay Baanka Faransiiska ah ee BCI Mer
Rouge, oo qayb ka ah Baanka kale ee Faransiiska ah ee BRED, kaas oo farac u ah
Baanka Caalamiga ah ee BPCE. Lacagtaas waxay shirkadda GSK ku qaadatay
maalgelinta Warshadda Coca-Cola oo laga dhisay Dalka Somaliland.
Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle,
wuxuu qaatay deyntaas isaga oo ah muwaadin reer Jabuuti ah, haystana dhalasho
Jabuuti ah, muddo ka dibna wuxuu u soo wareegay, soona dagay Somaliland.
12-kii bishii March, 2018, waxa dalka yimid
Agaasime Ku-xigeenka Baanka weyn ee Faransiiska ah ee BRED, oo ah baanka iska
leh faraca baan ee BCI Mer Rouge iyo Agaasimaha Guud ee faraca baanku ku
leeyahay dalka Jabuuti Mr. Nadhir Zouaghi. Labada Mas'uul ee ka socda Baanankaa
Faransiiska ahi waxay sheegeen in ay lacag deyn ah oo dhan 20 Milyan oo doolar
ku leeyihiin Shirkadda GSK iyo Mulkiilaha Shirkaddaasi Axmed Cismaan Geelle.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu u saaray
arrintaas guddi ka kooban Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga
Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee
Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahin iyo Taliyaha Booliiska Somaliland Cabdillaahi
Fadal Iimaan. Baankaa Faransiisku waxa uu codsaday in lacagta deynta ah Shirkadda
GSK u bixiso sida uu dhigayo heshiiskii deynta oo ah in hafto lagu bixiyo.
Mulkiilaha Shirkadda GSK Axmed Cismaan Geelle,
waxa uu qirtay deynta Baanka Faransiiska ahi u sheegtay, balse waxa uu ku
dooday in lacagtiisa iyo hantidiisa qayb ka mid ahi kaga xayiran tahay Dalka
Jabuuti oo aanu khilaaf soo kala dhex-galay Dawladda Jabuuti darteed u tagi
karin. Sidaa daraadeedna, waxa uu ka gows-qabsaday in uu aqbalo in uu lacagta
deynta ah u bixiyo si hafto ah, sida uu heshiisku ahaa, baanka faransiiskuna uu
dalbaday.
15-kii bishii February, 2018, waxa dalka yimi
Safiirka Dalka Faransiiska u fadhiya dalka Kiiniya, Ambassador Antoine Sivan,
oo sita go'aannada Maxkamadaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti ee la xidhiidha
arrinta daynta Baanka Faransiiska ahi ku sheegaynayo Mulkiilaha Shirkadda GSK,
Axmed Cismaan Geelle. Waxa kale oo uu sheegay in ay dacwac ka dhan ah Shirkadda
GSK u gudbiyeen Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL.
Xukuumadda Somaliland waxa ay ku dooday in ay
fulin karto oo kaliya garta lagu qaado Maxkamadaha Somaliland, maadaama
Ganacsade Axmed Cismaan Geelle hadda yahay muwaadin reer Somaliland ah,
go'aammada maxkamaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti ka soo baxayna ay iyaga u
gaar yihiin. Balse Safiirka Faransiisku waxa uu ku dooday in Axmed Cismaan
Geelle yahay muwaadin reer Jabuuti ah, daynta baanka Faransiiska ahna uu qaatay
isaga oo ah muwaadin reer Jabuuti ah.
Dood dheer kadib, waxa la isla qaatay in dacwadda
daynta lagu qaado maxkamadaha Somaliland, iyada oo haba-yaraatee wax tixgelin
ah la siinin go'aamadda ka soo baxay Maxkamadaha dalalka Faransiiska iyo
Jabuuti midna. Waxa in badan lagula taliyey Ganacsade Axmed Cismaan Geelle in
lacagta daynta ah iska bixiyo mar hadduu qiraal yahay. Balse ganacsaduhu
arrintaa wuu ka cagojiiday.
Sidaas darteed, Baankii Faransiiska ahaa wuxuu
qabsaday Looyar reer Somaliland ah, kaas oo uu bilaabay in uu soo diyaarsado
qoraallada iyo waraaqaha la xidhiidhaha dacwadda daynta Baanka Faransiiska ahi
ku sheeganayo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle. Sida curfiga Caalamiga ahi
dhigayo, waxa dhammaan waraaqaha Looyarku keenay ee ka soo baxay Dawladaha
dalalka Faransiiska iyo Jabuuti uu soo mariyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo
Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasaaradda Caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland si
loo hubiyo in waraaqahani si rasmi ah uga soo baxeen dawladaha iyo hay'adaha
dawliga ah ee ay magacooda sitaan. Waana hab Caalami ah oo loo xaqiijiyo
qoraallada iyo waraaqaha iskaga gudbaya Dawladaha.
Nasiib-daro, Mulkiilaha Shirkadda GSK ee daynta
loo sheeganayo, Axmed Cismaan Geelle, waxa uu qaaday tallaabooyinkan:
1. Waxa uu si sharciga baal-marsan uga soo qaatay
qoraallada iyo waraaqaha arrinta dacwadda daynta lagu sheeganayo khuseeya
Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasaaradda
Caddaalada. Talaabadaas oo ah gef sharci.
2. Qoraalladaa iyo waraaqahaa waxa uu u gudbiyey,
kuna abaabulay si beelaysan madax-dhaqameedyo war-moog ah.
3. Wuxuu ka been sheegay qoraallada iyo waraaqaha
uu ka soo qaatay labada Wasaaradood ee kor ku xusan ee ku saabsanaa dacwadda
daynta lagu sheeganayo ee ku socday Maxkamadaha Somaliland, waxaanu ugu sheegay
odayaasha dhaqanka in waraaqahaasi yihiin Waaran lagu qabanayo Ganacsade Axmed
Cismaan Geelle.
Arrintaasi waxa ay abuurtay bulaan iyo caadifad
beelaysan. Waxaanu Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle ka doortay in
uu sharciga ka talaabsado, beelo abaabulo, dalkana nabad-gelyadiisa isku dayo
in uu khal-khal galiyo, Somaliland-na indhaha Caalamka ku soo jeediyo, una
ekaato meel lagula soo gabado hantida iyo lacagaha laga soo dhaco Baananka
adduunka.
Ganacsade Axmed Cismaan Geelle waa og-yahay,
waanu qirtay in hantida iyo daynta loo sheeganayo lagu leeyahay, Booliska
Adduunka ee INTERPOL -na raadinayo.
Haddaba waxanu u caddaynaynaa dadweynaha
Somaliland in dawladdu u dadaashay Shirkadda GSK iyo Mulkiilaheeda Axmed
Cismaan Geelle in ay ilaaliso xaquuqdiisa iyo hantidiisa, sida muwaadiniinta
kaleba loo ilaaliyo hantidooda iyo xuquuqdooda, waana waajib dawli ah.
Dawladda iyo Shacabka Somaliland waxa ay
raadinayaan ictiraaf Caalami ah, waxaanay iska ilaalinayaan wax kasta oo u
ekaysiinaya dalka Somaliland meel aanay ka jirin shuruuc iyo kala dambayn,
lagulana soo dhuunto hantida iyo xoolaha umadaha kale ee adduunka laga soo
dhaco.”
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.