Taliye Ku-xigeenkii hore ee Nabad Sugidda oo laga dhigay dhammaan daroojinkii ciidan
Sabti, September, 08, 2018 (HOL)- Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka
dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay'adda nabad sugidda iyo
Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka
timid Agaasimaha Guud ee Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay
Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay'adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo
cuskaday go'aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan
karin hay'adda iyada oo la tix raacayo go'aankii ay gaareen guddiga anshaxa.
"Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga
dhigay dhammaan darajooyinkii ciidaan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay
hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira
xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay'adda Nabad
Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka." Ayaa lagu sheegay wareegtada.
Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Sabti, 8da bishan
Sebteembar, 2018 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]