4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2018
Madaxweynaha Jubbaland: Dowladdu hasoo cadeeyso lacagaha ay siisay dowlad goboleedyada
 

Sabti, September, 08, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Jubbaland oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirkii magaalada Kismaayo ugu soo xirmay madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay xisaabcelin ay wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya ka dalbatay madaxda dowlad goboleecyada dalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegya in ay arkeen warqad ay wasaaradda maaliyadda soo dhigtay baraha bulshada, isagoo xusay in ay wanaagsanaan lahayd in dowladdu ay wax bixiso islamarkaana xisaabtanto.

"Waxaan inagu rabnaa si rasmi ah in ay baraha bulshada inoogu soo gudbiso wixii ay nasiisay, inana xisaabcelin waxaan ka sameyn doonnaa baraha bulshada," ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Waxa uu sheegay in arrintan ay tahay mid ay dowladdu dooneeyso in ay tuhun ku dhex dhigto shacabka iyo madaxdooda.

Waxa uu sheegay in dowladda ay min Hal milyan oo doollar ay ka siisay dowlad goboleedyada lacago 50 - milyan oo doollar oo ay dowladda Sucuudigu ku deeqday, ayna u xigtay lacago min $500,000 (shan boqol oo kun oo doollar) oo ay dowladdu madaxda dowlad goboleedyada siisay shirkii Baydhabo.

Warqad dhawaan kasoo baxday wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya ayaa looga dalbaday madaxda dowlad goboleedyada in ay xisaabcelin ku sameeyaan lacago ay dowladda ugu deeqday.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.