
Sabti, September, 08, 2018 (HOL) -Madaxweyne
ku-xigeenka dowlad-gobolleedka Galmudug,Maxamed Cabdi Xaashi ( Carabey)
ayaa ka horyimid warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka madasha wadatashiga
hoggaamiyayasha dowlad gobolleedyada ee lugu soo gabagabeeyay magaalada
Kismaayo.
“Shirka Kismaayo iyo waxa ka soo baxay haddaan Galmudug nahay qeyb kama nihin,
namana quseeyo.” Ayuu yiri Carabey oo warbaahinta gudaha la hadlay isagoo ku
sugan Caabudwaaq , wuxuu inta ku daray “ Madaxweynaha Galmudug rabitaankeenna
iyo aaminadeenna shirka kuma uusan aadin.”
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, waxaa kalo u sheegay inaysan jirin xiriir ay
Galmudug u jartay dowladda dhexe ee federaalka,isagoo yiri annagu waxaan nahay
dowlad-gobolleed ka tirsan dowladda Federaalka.” Waxaa kalo u xaqiijiyay
dowladda Federaalka inaysan jirin dhaqaalo ay siiso Galmudug , kaddib markii
wasaaradda maaliyadda Federaalka ay baahisay warqad ay uga dalbaneyso
dowlad-gobolleedyada xisaab-celin.
Madaxweynaha Galmudug, ayaa ka mid ahaa hoggaamiyayaasha ku shirey Kismaayo ee
wadajirka u soo saarey warmurtiyeedka, waxaana diidmada qodobbada shirka ka soo
baxay ee madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ay muujineysa khilaafka u dhaxeeya
hoggaanka sare ee dowlad-gobolleedka.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]