4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2018
Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka Telleefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Jabuuti

 

Sabti, September, 08, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo khadka taleefanka ku wada hadlay ayaa iska xog wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka.

Madaxweyne Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo kaalinta uu ka qaadanayo xal u helista amuuraha u dhexeeya Ereteriya iyo Jabuuti, isagoona ku ammaanay dadaallada kale ee uu kaga qayb-qaadanayo isu soo dhaweynta waddamada Geeska Afrika.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle qaabilaadda iyo marti gelinta wafdigii ka socday dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ee wadahadallada u tagay dalka Jabuuti.

Waxaa soconaya dadaallo nabadeed oo la doonayo in laysugu soo dhaweeyo dalalka Jabuuti iyo Eritrea oo uu u dhaxeeyo muran dhulleed muddo dheer soo jiitamayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]