Sabti, September, 08, 2018 (HOL)–
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya
duqeyn xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, sida ay warbaahinta
gudaha u sheegeen goobjoogayaal magacooda u qariyay sababo amni.
Duqeynta oo aan ilaa iyo hadda la
ogeyn cida fulisay ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday sarkaal sida la
sheegay ka tirsan Al-shabaab oo ka mid ah hoggaamiyayaasha sar sare ee Ururka
Koonfurta Soomaaliya.
Lama oga in bartilmaameedka lagu
guuleystay in lagu wax yeelleeyo sarkaalka la beegsaday, hasse ahaatee dadka la
hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa madaafiicda ay ridayeen
diyaaradaha dagaalka ee weerarkan geystay.
Horay weerarro lagu dilay
saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha Mareykanka
Africom oo sheegtay weerarro dhowr ah oo ka dhacay koonfurta iyo bartamaha
Soomaaliya.
Taliska ciidamada militariga
Soomaaliya oo maalin ka hor la shiray saraakiil ka tirsan howlgalka Mareykanka
ee Soomaaliya ayaa dalbaday in Mareykanku sii wado weerarrada ka dhanka ah
Al-shabaab.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]