4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2018
Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay koox qorsheeneysay falal Argagixiso

 

Sabti, September, 08, 2018 (HOL)-Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay  koox Al-shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fulin rabeen.

Sida lagu shaaciyey war kasoo baxay taliska hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaan la fuliyey 7-dii bishan oo ku beegneyd maalintii shalay aheyd.

“7da September, howlgal ayaa ciidanka amnigu ku soo qabteen koox Al-shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fuliyaan, ciidamada amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada argagixisada khatarta ku ah shacabka”ayaa lagu yiri warka kooban ee lasoo dhigay barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka socday howlgalo ay wadaan ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]