4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2018
Ardeyda Jabuuti oo markii ugu horeysay Dareeys gaar ah ku tagi doona Iskuulada

 

Sabti, September, 08, 2018 (HOL)–Wasaarradda Waxbarashada dalka Jabuuti ayaa war ay soo saartay markii ugu horeysay ku amartay dhamaanba ardeyda wax ka barata Iskuulada kala duwan ee dalkaas Jabuuti in ay xirtaan Dareeys gaar ah marka y tagayaan dugsiyada.

Laga soo bilaabo sanadkii 1977kii uu ay dowladda Jabuuti xornimadeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska ilaa waqtigan ardeyda reer Jabuuti waxaa ay Iskuulada ku tagi jireen dharkii ay doonaan, iyadoo ardeygu uu subax walba soo labisan jiray hadba maalintaa Dareyskii uu doono.

Laakiin hadda waxaa muuqata in sheekadaasi soo xiran-tay oo sannadka dugsiyadeedka cusub ayuu dhaqan galaya nidaamka ay ardeyda ku labisanayaan dareeys-ka Iskuulada.

Balse dhinaca kale marka la eego waalidiinta ardeyda ayaa arintan u arka culeys dhaqaale oo ku soo kordhay, madaama sida la sheegay uu sare ku kacay qiimaha la kala siisto dharka Dugsiyada lagu tago.

Hasse ahaatee madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa amray in hoos loo dhigo qiimaha dharkan si ay waalidiintu ugu fududaato in ay u iibin karaan carruurtooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]