4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2018
Dadka reer Jabuuti sidey u arkaan dadaallada nabadeed ee ka socda Geeska Africa

 

Sabti, September, 08, 2018 (HOL)-Iyadoo dalka Jabuuti ay ku sugan yihiin wafuud ka kala socta saddexda dalka, Soomaaliya, Itoobiya Eritrea guud ahaan-na marka la eego ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu nabadeeyo leysugu-na soo dhaweeyo dalalka Geeska Africa ayaa waxaa arintaa siweyn u soo dhaweeyay Shacabka Jabuuti iyo Ururrada mucaaradka intaba.

Shacabka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wax wanaagsan u arkaan nabada raadinta labada dowladdood Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhax bilaabeen dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea oo muddo dheer-ba uu dhax yeelay muran la xiriira deegaan xudduudeedka ay wadaagaan labada wadan.

Shirka iyo kulamada socda ayeey ku tilmaameen tallaabo hor leh oo loo qaaday dhinaca nabad-galyada iyo isku soo dhawaanshaha guud ahaanba dowladdaha Geeska Africa, iyada oo meesha laga saarayo wixii khilaaf ah ee jira.

Wafdiga ku sugan dalka Jabuuti ee ah wasiirro arrimo dibeddeedka dowladdaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa mas’uuliyiintii ay is arkeen waxaa ka mid ahaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo si diiran u soo dhaaweeyay, islamarkaana sheegay in niyad sami uu hayo dadaallada socda.

Dhawaan magaalada Asmara waxaa ku shiray hoggaamiyayaasha saddexda dowladdood Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea, kuwaa oo isku afgartay wafdi heer wasiirro ah loo diro dalka Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]