Axad, May, 13, 2018 (HOL)
–Doomahan ay ku deeqeen qaar ka mid ah hay’addaha samafalka ayaa la bilaabay in
lagu soo samatabixiyo qoysaska ku dhax go’doonsan xaafaddaha ay daadadku
ku dhufteen.
Biyaha ayaa hadda ku socda
xaafaddo ay markii hore taariikhda inta la xasuusto aysan gaarin, waana
fatahaadii ugu cusleyd oo ay martigaliso magaalada Beledweyne sida ay Hiiraan
Online u sheegeen qaar ka mid ah wax-garadka magaalada oo waayo badan u soo
joogay fatahaadda Wabiga Shabeelle.
Dhalinyaradan ka shaqeneysa
Doomaha dadka lagu soo samatabixinayo oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo
sheegay in ay Boqolaal ruux oo carruur ay ka mid yihiin ka soo saareen xaafaddaha magaalada.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay heleen meydka qof dhalinyaro ah oo loo maleynayo in uu ka mid
ahaa dadkii dhawaan ay Cagafta kula gadoonta xaafadda Xaawo Taago, gaar ahaan
Buundo-koowaad oo uu maro Togga ugu weyn ee biyaha ku dara Wabiga Shabeelle.
Wax-yaabaha la yaabka leh ee
muujinaya xadiga biyaha ay saameynta ay leeyihiin ayaa waxaa ka mid ah laamiga
dheer ee dhaxmara bartamaha magaalada oo ay markii hore ay isticmaali jireen
gadiidka in hadda lagu marayo Doono taasoo muujineysa jooga biyuhu ka
sareeyaan dhulka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]