4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2018
Qaar ka mid madaxda dowlad gobolleedyada oo gaaray Beydhabo

 

Axad, May, 13, 2018 (HOL) – Magaalada Baydhabo ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay gaaray qaar ka mid madaxda dowlad gobolleedyada Soomaaliya oo halkaa shir ku yeelan doona.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doona shir ay yeelan doonaan madaxda maamul goboleedyadda oo lagu waddo in uu ka furmo magaaladaasi

Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa lagu sharaxay calamadda maamuladda Koonfur Galbeed ,Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in uu halkaa gaaro madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]