4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2018
Madaxweynaha Faransiiska oo ka hadlay weerarka ka dhacay Paris

 

Axad,, May, 13, 2018 (HOL) - Waxaa ka soconaya dalkaasi Faransiiska baaritaan la xiriira dacwad ka dhan ah argagixisada kadib markii uu nin mindi ku hubaysani uu toorriyeeyey dad marayey waddo kutaal badhtamaha magaalada Paris.

Emmanuel Macron madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in mar kale dalka Faransiisku uu difaacay dhiigiisa balse aysan dib u guranayn oo aysan u ogolaan doonin taako dadka cadawga ku ah xorriyadda.

Hal qof ayaa dhintay afar kalena waa ku dhaawacmeen, iyadoo labo ka mid ah dadkaasna ay xaaladoodu halis tahay.

Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda mashquulka badan ee lagu magacaabo Opera, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ninka mindida sitay uu ku qaylinayey "Allahu Akbar" booliiskuna ay isku dayeen in ay qabtaan kahor intaysan toogan. Kooxda isku magacawda dawladda islaamiga ah ayaa sheegtay in ay weerarkaaas ka dambeeyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]