4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2018
Shir madaxda dowlad gobolleedyada uga furmaya magaalada Baydhabo

 

Axad,, May, 13, 2018 (HOL) – Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Baay waxaa maalintii shalay dib ugu laabtay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo waayadii ugu danbeeyay ka maqnaa.

Magaalada ayaa waxaa ka soconaya qaban-qaabada kulan lagu wado in ay halkaa ku yeeshaan madaxda maamul gobolleedyada dalka ka dhisan, kaa oo looga arinsan doono sida ay laga soo xigtay saraakiil ku dhaw dhaw shirka siyaasada Soomaaliya.

Kulanka ayaa haddii uu qabsoomo noqonaya kii labaad oo ay yeeshaan madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada qeybta ka ah dowladda dhexe oo horay ugu shiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf siyaasadeed oo xoog leh oo mar kale soo kala dhaxgalay dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada kaddib markii madaxweyayaasha Puntland iyo Jubbaland eedeyn weyn u jeediyeen dowladda federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]