4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2018
Weerarro ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Indonesia

 

Axad,, May, 13, 2018 (HOL) – Inta la xaqiijinayo ilaa 8 qof ayaa ku geeriyootay 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarro ismiidaamin ah oo ka dhacay kaniisadaha ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn Indonesia ee Surabaya.

Weerarradan ayaa waxaa fuliyay rag isku soo xiray waxyaabaha Qarxa sidda ay xaqiijiyeen laamaha Ammaanka.

Saraakiil u hadashay dowladda dalka Indonesia ayaa sheegay in uu soconayo gurmad loo fidinayo dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxyada.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sidoo kale sheegay in weerradan ka dhaceen ilaa 3 Kaniisadood, islamarkaana ciidamadu toogasho ku dileen qaar ka mid ah raggii weerarka soo qaaday.

Lama hayo ilaa iyo hadda faah faahin intaa dhaafsiisan oo la xiriirta weerarradan ka dhacay dalkaas, iyadoo ciidamaduna wadaan howlgalo ballaaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]