4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2018
Hodan Hassan oo u tartamaysa 62A Minneapolis ayaa la kulantay Soomaalida Ohio


Axad, May, 13, 2018 (HOL) – Boqolaal Soomaali ah ayaa ka soo qeybgashay xaflad lagu soo dhaweynayay Hodan Hassan oo u tartamaysa xildhibaanimo xaafada 62A ee Minneaplis.

Xafladdan oo ka dhacday magaalada Columbus Ohio ujeedka ugu weyn oo laga lahaa waa in Hodan loo muujiyo in ay tahay qof u qalma xilka ay u tartamayso isla markaana ay buuxin doonto kaalin muhiim ah oo haweenka Soomaaliyeed iyo horumarkooda ka tarjumya.

Inkasta oo Hodan xaafada ay u ordayso ay dagan yihiin dadyow kala gadisan hadana waxa ay si weyn ugu baahantahay in ay hesho garab istaaga Jaaliyadeeda oo runtii si weyn ula shaqeya.

Waxaa Hodan la cararaya dhanka Soomaalida 2 Wiil oo kale waxayna kuligood ku qanacsanyihiin in ay xafaddan u ordan, Lakin Hodan waxay ka sharqamisay in ay muhiim tahay in qof Soomaali ah u soo baxo xaafadan, inkasta oo ay jiraan dad kale oo ajanabi ah oo la tartamaya.

Qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Columbus oo runtii aad u soo buuxiyay goobta xafladu ka dhacaysay ayaa Hodan u muujiyay in ay garabtaaganyihiin kuna boorinayaan in ay dadaalkeeda sii labo jibaarto.

Hodan waxay Jaaliyadda kala hadashay in ay reer Ohio ahmiyadda siiyaan dhalinyarada isla markaana laga hortago dilalka ku dhaca dhalinta Soomaaliyeed oo xiliyadii u danbaysay Columbus ku soo kordhayay.

Waxa ay balan qaaday in dadka iyo xaafada ay u ordayso oo ay in mudaa la soo shaqeysay ay wax baddan ka badali doonto baahidoda Guud, waxayna ka codsatay in si taa loo gaaro ay codkooda iyo dhaqaalohoodaba la garab istaagaan.

Hodan horey ayay ugu soo shaqeysay jaaliyada Minneapolis waxayna kala qeyb qaadatay barnaamijyo badan oo muhiim ah.

Waxaa ay waxbarashadeeda ku dhamaysay isla gobolkaas waxayna tusaale u noqon kartaa Haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Mareykanka.

Soomaalidda Mareykanka ayaa u muuqata in ay fahmeen ahmiyadda ay leedahay in lagu biiro dowladda iyo in laga dhex muuqdo maamuladda kala duwan ee Mareykanka gaar ahaan goboladda ay Soomaalidu u badan yihiin, waxaa Guulo gaaray kuwo baddan kuwo ayaa meel fiican oo rajo dhalin karta soo gaaray,halka kuwo kale ay wali ku jiraan dadaalkii ay ku guulaysan lahayeen.

Waxaa Soomaalidda Mareykanku ka tartamayaan xiligan gobolo kala duwan waxayna xiliyada tartanka tagaan gobolada ay Soomaalida kale dagan-tahay si ay u gaarsiyaan Muuqaal xanbaarsan ku daysho iyo isbadal

Deeqo Shire (SONNA)