4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2018
Shirweynaha Qaran ee dib-u-eegista Dastuurka oo maanta Muqdisho ka furmaya

 

Axad,, May, 13, 2018 (HOL) – Maanta ayaa la filayaa in si rasmi ah magaalada Muqdisho looga daah furo shirweynaha dib-u-eegista qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya oo waayadii ugu danbeeyayba wasaaradda Dastuurku howlaneyd sidii looga tala-galin lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shir-weynaha Qaran ee dastuurka ayaa maanta furmi doona , waxaana uu socon doona ilaa15-ka bishan Maajo, sida la qorsheeyayna waxaa ka soo qaybgeli doonaan in kabadan 300 oo qof.

Ka qaybgalayaasha Shir-weynaha Qaran ayaa ka koobnaan doona xubno ka socda laamaha Garsoorka, Sharci-dejinta iyo fulinta ee heer Federaal iyo heer dowlad gobolleed.

Sidoo kale waxaa ka soo qaybgelidoonaan xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka oo ka kala imaanaya Gobolada dalka iyo qurbojoogta Soomaaliyeed.

Lama oga in shirkan ka soo qeybgali doonaan xubno ka socda dowlad gobolleedyada madaama horay Jubbaland u sheegtay in ay qaadacday ka qeybgalka shirka, sidoo kalana waxaa jira shaki la galinayo ka soo qeybgalka kulanka ee dowlad gobolleedka Puntland.

Qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa lagu xardhay hal ku dhagyo hor dhac u ah shirka,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]