4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2018
Madaxweyne Biixi oo kulan la yeeshay ergayga UN-ta u qaabilsan Soomaaliya


Axad, May, 13 ,2018  (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Michael Keating.

Kulankan uu madaxweyne Muuse Biixi la qaatay Danjire Michael Keating, ayaa waxa ku wehelinayey, madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland,Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Cali Jaamac iyo wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Sacad Cali Shire, waxaana lagaga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ay Somaliland la leedahay qaramada midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka warbixiyey kulanka ergayga iyo madaxweynaha, waxaanu sheegay in laga wada hadlayey sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka UN-ta iyo Somaliland iyo arrimo khuseeya Somaliland.

“Madaxweynaha iyo Ergayga gaarka ah ee xoghayaha jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa waxa ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha xagga amuuraha Bani’aadamnimada, xaaladda roobka sanadkan, arrimo la xidhiidha nabadgelyada, arrimo kale oo la xidhiidha doorashooyinka sanadka soo socda iyo sidii aynu guud ahaan inaga iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa aynu u wada shaqayn lahayn.”ayuu yidhi Shire.

Sidoo kale,Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Keating, ayaa ka haday kulankaasi uu la yeeshay madaxweynaha iyo shirgudoonka baarlamaanka.

“Madaxweynaha waxaanu ka wada hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka soo socda oo ay sheegeen inay ka go’an tahay in wakhtigeedii dhacaan iyo arrimaha Tuko raq oo loo baahan yahay in arrintaasi xal nabadeed lagu dhameeyo oo khilaafaadka ka jira xadka sidii loo dhameen lahaa, waana kulankii labaad ee aan la yeeshay madaxweynihii”ayuu yidhi Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Keating.

Kulankan dhexmaray madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan, muddada shan bilood ah ee ay xukuumaddani jirtey.

Sidoo kale, waxa ku cusbaa kulankan in shirgudoonka Guurtidda iyo Wakiiladdu goob joog ka noqdaan kulankan uu ergayga la yeeshay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.