4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan dalka Qatar

 

Axad, May, 13, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta oo Axad ah booqasho rasmi ah ugu anbabaxaya dalka Qatar sida ay Hiiraan Online sheegeen ilo ku dhaw dhaw madaxtooyada Soomaaliya.

Wareys ay maamusho dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in madaxweyne uu la kulmi doono Emir Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo quseeya labada dalka, laakiin wargeysku ma uusan faah faahin.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu wadaa in labada mas’uul uga wada hadleen xoojinta iyo hormarinta xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya labda dowladood.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii labaad ee madaxweynuhu ku tago dalka Qatar tan iyo wixii ka danbeeyay khilaafka wadamada Khaliijka oo ay dowlada Soomaaliya iska taagtay meel dhexe, taasoo keentay in ay kala fogaadaan dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ka biyo diidan go’aanka dowladda Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]