4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2018
Madaxweynaha Jabuuti oo dhawaan booqanaya dalka Ertirea

 

Isniin, July, 30. 2018 (HOL)–Iyadoo ay muuqato in uu dib u soo noqonayo xiriirkii Eritrea ee qaarada Africa iyo guud ahaanba marka la eego caalamka intiisa kale ayaa dhawaan lagu wadaa in ay tagaan qaar ka mid ah madaxda wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD

Todobaad kaddib sidoo kale waxaa tagi doona magaalada Asmara ee dalka Ertirea madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo uu hadda ku sugan yahay dalkaas madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Booqashadan lagu wado in madaxda wadamada ku jira Urur gobolleedka ku tagaan Asmara ayaa meesha ka saari karta go’doomintii lagu hayay dalka Eritrea, waxaana dhici karta in ay dib u soo ceshato xubinnimadeedii Urur gobolleedka IGAD.

Sidoo kale Eritrea ayaa rajo badan ka qabta in laga qaado cunaqabateynta Qaramada Midoobey ee muddo dheerba saarneyd, kaddib heshiiskii taariikhiga ahaa oo ay la yeesheen Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]