Farmaajo’’ Soomaaliya waxaa ay taaagan tahay watigii ay la jaan-qaadi laheyd hormarada ka socda Geeska Africa
Isniin, July, 30, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray goobo ay
Dowladda Ereteriya ka fulisay mashaariic horumarineed ayaa sheegay in shacabka
iyo Dowladda Soomaaliya ay maanta taagan yihiin xilligii ay la jaanqaadi
lahaayeen horumarka ka socda waddamada Geeska Afrika.
Madaxweynaha iyo Wasiirrada Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdigiisa ayaa booqday goobo laga hirgeliyey
warshado, biyo-xireenno, beero iyo xarumaha tamarta ileyska cadceedda ee
dhaliya korontada.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur
Maxamed Axmed ayaa sheegay in kormeerka uu Madaxweynuhu ku tagay goobaha laga
fuliyey mashaariicdaas ay ka tarjumayo muhiimadda Dowladda Federaalka
Soomaaliya ay siinayso dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta
ganacsiga iyo wax-soo-saarka dalka.
“Ujeedka ugu weyn ee aan u kormeernay mashaariicdan ayaa
ah inaan wax kala baranno oo aan eegno meelaha aan iskaashiga ka yeelan karno
iyo dhinacyada ay ganacsatada labada dal maalgashi ku sameyn karaan sida wax
soosaarka beeraha, ka faa’iideysiga ilaha kala duwan ee tamarta iyo
warshadaha.”
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
la kulmay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalkan, waxa uuna ka
wareystay xaaladdooda nololeed, isagoona la wadaagay qaar ka mid ah qodobada
miradhalka ah ee ka soo baxay wadahadallada u socda labada dal, kuwaasi oo ay
ka mid tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay safaarad ka furan doonto
dalka Ereteriya, taasi oo u adeegi doonta jaaliyadda.
Socdaalka Madaxweynaha
Soomaaliya iyo dhiggiisa dalkan Ereteriya Isaias Afwerki ay ku tageen degmooyin
ka baxsan magaalada Asmara waxaa ku weheliyey Wasiirro ka kala tirsan labada
dowladood.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]