4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2018
Madaxweyne Waare oo ka tacsiyeey geerida wasiir ku-xigeenkii ganacsiga mamul gobolleedka Hirshabeelle

 

Isniin, July, 30, 2018 (HOL) –Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeey geeridii ku timid alle ha u naxariisteen Wasiir ku-xigeenkii Ganacsiga maamulka Saciid Xaanshi Tooxow oo xalay ku geeriyooday Muqdisho.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca maamulka Hirshabelle, waxaan tiiraan-yada iyo murugada la qeybsanayaa qoyska, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Siciid Xaashi, waxaa lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay dalkiisa iyo shacab-kiisa, waxaa uu ahaa shaqsi madaala ah oo si hufan ugu soo dhalaalay gudashada waajibaadka shaqo,’’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa wasiirada dhalinyarada ah ee ka mid ka noqday maamulka Hirshabeelle, waxaana maalmihii lA soo dhaafay uu ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Waare ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu jannada ka waarbiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]