4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2018
Gudoomiyaha Gobolka Cayn ee maamulka Puntland oo iscasiley

 

Isniin, July, 30. 2018 (HOL) - Maxamed Xassan Faarax Gudoomiyaha Gobolka Cayn ee maamul gobleedka Puntland ayaa xilkii iska casiley isagoo sheegay in aanay jirin wax wadashaqayn ah oo la sheegi karaa aanay kala dhexayn Garoowe.

Gudoomiyaha oo warsaxaafadeed ku qabtay magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka Cayn ayaa waxa uu si aad ah ugu dheeraaday dhaliilaha ka jira degaanka uu madaxda ka ahaa.

"Waxaa jira su'aalo badan oo bulshadu i weydiinayaan, jawaabna aan u waayey ayaa igu kalifey in aan iska casilo xilkii aan u hayey maamulka Puntland" Ayuu yidhi Maxamed Xassan oo intaas ku daray in ta ugu darani ay tahay shaqaalihii amniga  iyo arimaha bulshada oo sanad iyo dheeraad aan mushahar qaadan.

Gudoomiyuhu waxa uu xusay in ay jiraan dad gaar ah oo mararka qaarkood gobolka loo soo diro iyadoon lala socodsiin, mararna waxaa la yidhaa goortay hawshooda dhamaystaan u saxeex waraaqo aanan ogayn waxabadkooda.

Iscasilaadan ayaa ku soo beegantay xili xiisad colaadeed degaanada ay ka taagan tahay oo u dhexaysa Somaliland iyo Puntland, waxaana la hadal hayaa in gacan togaalayn sabab u tahay iscasilaadan in kastan oo Gudoomiyahan taas iska fogeeyey.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool