4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2018
Ardey loo qabtay Simanaar ku saabsan barashada Akhrinta Raajada


Isniin, July, 30, 2018 (HOL)– Xarunta Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa furmay seminaar socon doona labo cisho oo ku saabsan Cilmiga Raajada ka bilaabay Prof/Dr. Xasan Maxamed Xasan oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee sida weyn looga tixgeliyo dalka iyo dibeda.

Prof. Xassan oo dhowaan ku soo laabtay dalka oo uu muddo dheer ka maqnaa ayaa ka howlgala Isbitaalo ku yaalla dalalka khaliijka, isagoo ku taqasusay Cilmiga Raajada (MD, Radiology Consultant).

Casharka uu Prof. Xasan Maxamed Xassan ka bixiyey Jaamacada Banaadir oo ahaa mid kooban hasse ahaatee xambaarsanaa aqoon balaaran ayaa wuxuu si faahfaahsan uga hadlay mowduuca ku saabsanaa raajada casriga ah, qalabka loo adeegsado, habka loo akhriyo dhibaatooyinka uu jirka iyo lafaha ka qabo Bnukaanka raajada iyo macluumaad kale.

Waxaa furitaankaas ka qeyb galay masuuliyiinta jaamacada Banaadir iyo qaar ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadaas gaar ahaan kuwa hadda dhigta kuliyadda Caafimaadka iyadoo Prof-ku sharaxaad ka bixiyey Casharka la xiriiray Raajada iyo hababka loo isticmaalo, isagoo qaar ka mid ah ardayda Jaamacada Banaadir uga jawaabay su’aalo ku saabsan mowduucan oo ahaa mid ardayda xiise geliyey.

Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo munaasabadan furitaanka seminaarkan hadal kooban ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Prof/Dr. Xasan Maxamed Xassan casharka qiimaha badan ee uu ka bixiyey jaamacada oo uu xusay inuu wax weyn ku kordhinayo aqoonta ardaydii iyo aqoonyahanadii kale ee ka faaiideystay.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ka soo qeyb galo furitaanka seminaarkan nuxur ballaaran xambaarsan ee uu halkan ku qabanayo Prof/Dr. Xasan Maxamed Xassan oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku taqasusay cilmiga raajada” ayuu intaa ku daray gudoomiyaha.

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in Prof. Xasan Maxamed Xassan oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay uu doortay inuu casharkiisa ugu horeeya ka bixiyo jaamacada Banaadir, isagoo xusay iney ku faraxsan yihiin ugana mahad celinayaan.

Waxaa uu intaa ku daray Dr. Dalmar in jaamacada Banaadir ay tahay Jaamacad balaaran oo ay ku midoobeen aqoonyanadii wax ku soo bartay jaamacadii umadda, ayna aasaaseen aqoonyahano ujeeddadoodu tahay in la horumariyo aqoonta, isagoo xusay iney dhigtaan arday gaareysa kumanaan oo u kala qeybsan 12 kuliyadood, Kumanaan Kalena horey uga qelin jebiyeen.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas ka hadlay hormuudka kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo ka waramay faa'iidada ay seminaarada noocan ah ee ay bixiyaan khabiirada u leeyihiin ardayda.

“Dhegeysiga casharada noocan ah waa kuwo aad u qiime badan oo heer caalami ah, waxa loo tagaa dibedaha, qarash baa ku baxa hotelaa loo kireystaa, waxayna taas ku tusinaysaa muhiimada ay leeyihiin si looga faaiideysto aqoonyahano sare sida Prof. Xasan Maxamed Xassan oo kale, waana uga mahadcelineynaa isaga iyo gudoomiyaha Jaamacada Dr. Dalmar oo isna had iyo jeer isku howla sidii aqoonta ardayda wax ka barata jaamacada ay ula jaanqaadi laheyd mida casriga ah” ayuu yiri Dr. Biday oo ardayda nasiibku u saamaxay ugu baaqay iney ka faaideystaan aqoonta uu xambaarsan yahay seminaarkan.

Waxaa munaasabadan goob joog ka ahaa Prof. Axmed Yuusuf Guuleed oo ka tirsan Muasasada Jaamacadda Benaadir, hormuudka arrimaha ardayda ee Jaamacadda Raage Maxamaed Shahiid, Aoonyahano, iyo xubno kale.

Seminaarkan ayaa qeyb ka ah seminaarada xiliga fasaxa (Summer Seminars) ee Jaamacadda Banaadir u qabato ardayda si aqoontooda sare loogu qaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]