3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2018
Wasiirka Warfaafinta oo faah faahiyay kulankii madaxweyne Farmaajo iyo ONLF

 

Isniin, July, 30, 2018 (HOL) –Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa faah faahin ka bixiyay kulankii dhaxmaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ONLF.

Wasiirka oo la hadlay BBC-da ayaa yiri’’ Ugu horeyn madaxweynaha waxa uu kulan la qaatay hoggaanka saree ee ONLF, kaas oo ahaa mid aan horey loosii qorsheynin, markii aan halkan nimid ayay noo yimaadeen, waa la kulmay, aad iyo aad ayaa loosoo dhaweeyay, kulanka qeybtiisa hore mid furan ayuu ahaa anagana waan ka qeybgalnay, qeybta kale madaxwey-naha ayay isku hareen, waxaana laga wada hadlay guud ahaan arrimaha Geeska Africa.

Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa sheegay in kulankii dhaxmaray iyaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ay uga wad hadleen xariggii Cabdikariin Qalbi-Dhagax dowladdu-na raali galin ka bixisay.

Laakiin Wasiirka oo ka hadlayay arrimaha ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta ONLF ayaa yiri’’ "Waxaa si gaar ah looga wada hadlay dabeysha nabadeed ee gobolka ka socota, dowladda Itoobiya qaabka ay wadahadallada ula galayaan waa wax ay iyaga u madax banaanyihiin, balse dowladda Soomaaliya waxa ay xiisaynaysaa in gobolka uu noqdo mid amni ah".

Mar wax laga weydiiyay in tallaabada uu ku raali-galiyay madaxweynaha ONLF dowladda Soomaaliya uga dayatay Itoobya oo liiska argagixisada ka saartay Ururkaas ayaa ku jawaabay’’ Go’aanka Itoobya waxaa ka horeeyay kii baarlamaanka Soomaaliya ee ka diiday in Ururka ONLF yahay Urur Agagixiso, go’aankaasna waxaa uu wax badan ka horeeyay kan Itoobiya.

Marka la eego kulanka dhaxmaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo hogaanka ONLF ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah taariikhda oo labada dhinac ay isku soo hor fariistaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/30/2018 3:40 PM EST
Isniin, July, 30. 2018 (HOL)–Iyadoo ay muuqato in uu dib u soo noqonayo xiriirkii Eritrea ee qaarada Africa iyo guud ahaanba marka la eego caalamka intiisa kale ayaa dhawaan lagu wadaa in ay tagaan qaar ka mid ah madaxda wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD

7/30/2018 1:58 PM EST
Isniin, July, 30. 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya , Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa hoolka Jaamacadda Bariga Afrika kula hadlay bulshada qeybaheeda kala duwan, waxa uuna ku baaqay in Colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq lagu bedelo Xasilooni, horumar iyo midnimo.

7/30/2018 12:55 PM EST
Isniin, July, 30. 2018 (HOL)-Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumada federaalka Somalia ayaa maanta waxaa looga furay Magaalada Muqdisho tababar soconaya muddo bil ah oo la xiriira kor u qaadida tayada iyo awooda Wasaaradda.

7/30/2018 11:07 AM EST
Isniin, July, 30. 2018 (HOL)-Maxamed Xasan Faarax Gudoomiyaha Gobolka Cayn ee maamul gobleedka Puntland ayaa xilkii iska casiley isagoo sheegay in aanay jirin wax wadashaqayn ah oo la sheegi karaa aanay kala dhexayn Garoowe.

7/30/2018 11:03 AM EST
Isniin, July, 30. 2018 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay wefti ballaadhan oo ka kala socota Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo urur-goboleedka IGAD.

7/30/2018 8:33 AM EST
Isniin, July, 30, 2018 (HOL)–Kaddib booqasho saddex cisho qaadatay iyo kulamo ku dhaxmaray magaalada Asmara hogaamiyayaasha labada dal Soomaaliya iyo Eritrea Madaxmed Cabdullaahi Farmaajo iyo Isaias Afwerki ayaa ugu danbeyntii laga soo saaray war-murtiyeedkan.

7/30/2018 8:13 AM EST
Isniin, July, 30, 2018 (HOL)– Xarunta Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa furmay seminaar socon doona labo cisho oo ku saabsan Cilmiga Raajada ka bilaabay Prof/Dr. Xasan Maxamed Xasan oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee sida weyn looga tixgeliyo dalka iyo dibeda.

7/30/2018 2:17 AM EST
Isniin, July, 30, 2018 (HOL)–Dalka Zimbabwe shacabku saakay waxaa ay si nabad ah ugu dhaqaaqeen doorashada madaxweynaha cusub ee dalkaas badali doona madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa qaarada Robert Mugabi.

7/30/2018 1:59 AM EST
Isniin, July, 30, 2018 (HOL) –Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeey geeridii ku timid alle ha u naxariisteen Wasiir ku-xigeenkii Ganacsiga maamulka Saciid Xaanshi Tooxow oo xalay ku geeriyooday Muqdisho.

7/30/2018 1:33 AM EST
Isniin, July, 30, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray goobo ay Dowladda Ereteriya ka fulisay mashaariic horumarineed ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay maanta taagan yihiin xilligii ay la jaanqaadi lahaayeen horumarka ka socda waddamada Geeska Afrika.

7/30/2018 1:25 AM EST
Isniin, July, 30, 2018 (HOL)–Soo saaraha wargeyska New York Times ayaa uga digay Madaxweyne Trump in weerarka uu ku hayo saxaafadda in uu yahay mid khilaafka sii badinaya oo halis ku ah Maraykanka.

7/30/2018 1:17 AM EST
Isniin, July, 30, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab xalay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye.

7/30/2018 12:51 AM EST
Isniin, July, 30, 2018 (HOL) – Iyadoo la soo xiganayo wareysi uu bixiyay guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan, madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isaga oo ku sugan Asmara raali-galin ka bixiyay xariggii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax.