4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2018
Dalka Zimbabwe oo saakay doorasho loo dhaqaaqay

 

Isniin, July, 30, 2018 (HOL) –Dalka Zimbabwe shacabku saakay waxaa ay si nabad ah ugu dhaqaaqeen doorashada madaxweynaha cusub ee dalkaas badali  doonamadaxweynihii ugu waqtiga dheeraa qaarada Robert Mugabi.

Doorashadan waxaa ku loolami doona ilaa 23 Musharax, hasse ahaatee waxaa si gaar ah isha loogu hayaa madaxweeynaha hadda talada ee Emmerson Mnangagwa iyo hogaamiyha xisbiga mucaaradka ah ee MDC Nelson Jamesa.

Robert Gabriel Mugabi oo shalay la hadlayay dad isku soo baxay ayaa sheegay in uusan marnaba codkiisa siin doonin sida uu hadalka u dhigay xisbigiisii hore ee Zanu PF.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2017-da ayaa waxaa tallada dalka looga tuuray Mugabi afganbi ay ku dhaqaaqeen ciidamada militariga dalkaas, waxaana tallaabada ay qaadeen ciidamada soo dhaweeyay shacabka oo muddo dheerba hoosta ka nacbaa maamulka Mugabi Mugaabi oo ahaa mid meesha ku raagay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]