4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2018
Maxaa waqtigan ku soo beegay in dowladda Soomaaliya raali-galin ka bixiso xaraggii Qalbi-Dhagax

 

Isniin, July, 30, 2018 (HOL) – Iyadoo la soo xiganayo wareysi uu bixiyay guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan, madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isaga oo ku sugan Asmara raali-galin ka bixiyay xariggii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax.

Hadaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah maxaa ku soo beegay watigan in dowladda Soomaaliya raali galin ka bixiso xarigii Qalbi-Dhagax? Yaase lahaa go’aanka dhiibistii Qalbi-Dhagax mar haddii uu madaxweynuhu sheegay in uu ka xumaa? Dabcan su’aalahan marka dib loo eego waa kuwo culeys-kooda leh, hasse ahaatee waxaa jira daruufo badan iyo is badallo deg deg ah oo ka curtay guud ahaanba gobolka oo laga yaabo in ay soo dadajiyeen in madaxweynuhu qaato go’aan-kan uu ku raali-galiyay Ururka ONLF.

Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa sannadii hore dowladda Soomaliya u gacan gelisay Itoobiya, balse dhammaadkii bishii hore ayaa xabsiga laga sii daayay.

Admiral Maxamed Cumar ayaa sheegay in sidoo kale madaxweynaha dowladda Soomaaliya qiray sida uu hadalka u dhigay in Ururka ONLF aheyd Urur Argagixiso balse, balse taa badalkeed uu u arkayo Urur xaq u dirir ah.

Kalmadahan uu isticmaalay guddoomiyaha Ururka ONLF ee uu sheegay in uu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya wali lagama soo xigan mas’uul kale oo ka tirsan dowladda Soomaaaliya oo ka qeyb-galay kulanka.

Laakiin Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa qiray in uu kulan-kani dhacay, laakiin ma uusan bixin faah faahin intaa dhafsiisan.

Waxaa meesha ka baxday xukuumaddii Itoobiya ee markii hore-ba kala wareegtay dowladda Soomaaliya sarkaalkan ka tirsanaa Ururka ONLF ee Qalbi-Dhagax, sidoo kalana Itoobiya waxaa ay hada u muuqataa in ay u jiheysatay waddadii hormarka, nabada iyo is cafinta, iyadoo dhinaca kalana meesha ka saartay magac-yadii loogu yeeri jiray Ururada mucaaradka sida Ururka ONLF oo laga saaray liiska argagixisada, taasoo malaha keentay in dowladda Soomaaliya laf-tirkeeda ku qasbanaato in ay badasho ra’yigeedii hore ee ahaa in Ururka ONLF yahay Urur Argagixiso.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sanadkii hore fadhi ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku sheegay ONLF Urur Argagixiso iyaga oo sidoo kalana u qiil sameeyay xarigii Qalbi-Dhagax, laakiin taa waxaa ku gacan seyray oo ka soo horjeestay baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka madaxweynaha Soomaaliya uu la qaatay mas’uuliyiinta Ururka waa uu iska bari-yeelay in uu raali-ka ahaa sida loola dhaqmay sarkaalkan, balse lama oga ilaa iyo hadda cid qaadatay go’aankan ee ka  tirsan dowladda Soomaaliya ee Itoobiya loogu gacan galiyay Qalbi-Dhagax, inkastoo baarlamaanka Soomaaliya uu ku eedeeyay hay’adda NISA.

Haddii ay dhab tahay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu isticmaalay erayadii warbaahinta ka sii daayay guddoomiyaha Ururka ONLF, waxaa meesha ka muuqanaya in ay jirto cid kale oo ka tirsan dowladda oo laga yaabo in ay iskeed u qaadatay go’aankii sanadkii hore Itoobiya loogu gudbiyay sarkaalkan oo dhiibistiisa dood-weyn oo siyaasadeed ka dhax abuurtay dowladda iyo mushtamaca Soomaaliyeed intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]