4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2018
Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay weftigii UN-ta iyo IGAD oo ka wada hadleen arrinta Tuko-raq

 

Isniin, July, 30. 2018 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay wefti ballaadhan oo ka kala socota Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo urur-goboleedka IGAD.

weftigan oo ay kala hoggaaminayaan ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Raisedon Zenenge iyo Ergeyga urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaaliya Amb Mohamed Ali Guyo, ayaa kulanka ay madaxweynaha la qaateen waxa ku wehelinayey guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye-ku-xigeenka golaha guurtida, Mudane Siciid Jaamac Cali iyo wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxaana diiradda lagu saarayo arrimo door ah salka ku haya sidii loo dhawri lahaa deggenaanshaha deegaanka TUKARAQ ee bariga Somaliland oo uu dhawaan ka dhacay iska hor-imaad u dhexeeya Ciidamo Somaliland iyo kuwo Puntland.

“Madaxweynaha iyo wefdigu waxa ay ka wada-hadleen ammuuro badan oo la xidhiidha cilaaqaadka labada geesood oo ay kamid tahay xaaladda TUKA-RAQ sidii loo maarayn lahaa, sidii arrinkaas xal looga gaadhi lahaana qodobbo dhawr ah ayaa la isla taataabtay, kuwaas oo ay kamid tahay in xabbad-joojin la sameeyo marka hore, in maxaabiista la isu celiyo iyo in hay’adaha samo-falka ah loo ogollaado inay gargaar fidiyaan, wax badanna waa la isla qaatay, waxaana aan rajaynaynaa in geeddi-socodka wada-hadalkaas guul laga gaadhi doono insha Allah.”ayuu yidhi Sacad Shire.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay weftiga UN-ta iyo IGAD ka socday oo sheegay inay is arkeen xildhibaanada labada gole Baarlamaan, ururadda bulshadda, xisbiyadda qaranka, wasiirka Arrimaha Dibadda iyo maanta oo ay la kulmeen madaxweynaha, waxaanay sheegeen inay ka wada hadleen sidii arrimaha Tuko-raq nabad loogu soo dabaali lahaa oo xabad joojin loo samayn lahaa, in maxaabiista la isku wareejiyo, in deegaanadda la gaadhsiiyo caawimadda iyo arimo la mid ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.