4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2018
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Baaqay in Colaadda Tukaraq Lagu Bedelo Xasilooni, Horumar iyo Midnimo

 

Isniin, July, 30. 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya , Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa hoolka Jaamacadda Bariga Afrika kula hadlay bulshada qeybaheeda kala duwan, waxa uuna ku baaqay in Colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq lagu bedelo Xasilooni, horumar iyo midnimo.

“Aafada cusub ee dagaalka Tukaraq ee nahor taallaa waa in lagu bedelaa xasilooni, waa in lagu bedelaa horumar waa in lagu bedelaa midnimo. Midnimada Ummadda Soomaaliyeed waa Muqaddas.

Dadka Soomaaliyeedd meel kala aadimaayaan hadii ay wax kala tabanayaan waa in ay isu yimaadaan. Hadii aad tahay Dhalinyaro Haween iyo Culimo, qof waliba oo Soomaaliyeed waa in uu aqbalaa dhib waxaa noogu filan 30-kii sano ee lasoo dhaafay”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre.

Dhalinyada Soomaaaliyeed ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in ay yihiin Raasumalka, hogaamiyaashii Mustaqbalka, Maskaxda, indhaha, gacmaha, dhegaha iyo xoogga dalka sidaa darteed looga baahanyahay in ay noqdaaan Tabiliiqa cusub ee nabadeynta, dawladnimada iyo hogaanka dib-u-heshiisiinta ummaddda Soomaaliyeed si loo nooleeyo midnimada.

Gabagabadii, wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka aqoon badanyihiin, ka hanti badanyihiin, ka fursad fiicanyihiin dhalinyaradii xornimada dhalisay ee SYL, sidaa darteed looga baahanyahay in ay taariikhda dalka baal dahab ah ka galaan oo ay dalkooda u shaqeeyaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online 

[email protected]