4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2018
Wasiir Oomaar oo beeniyay warar sheegaya in la xiray

 

Sabti, December, 22, 2018 (HOL)–Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar saacadihii la soo dhaafay leysla dhaxmarayay oo sheegayay in la xiray.

Wasiirka oo la hadlay mid ka mid ah Warbaahinta ayaa sheegay in wararkaasi yihiin been abuur iyo dacyaad la soo abaabulay , waxaana uu intaa raaciyay in dadka baahiyay wararakaasi ay yihiin dad si gaar ah u mucaaradsan xukuumadda uu ka tirsanyahay ama shaqsiyadiisa.

“Wararkaasi ku baahay baraha bulshada ee sheegaya in la ii xiray oo musuq maasuq la ii xiray waa been abuur, shirkadda laga hadlaayana waxaan shaqada ka joojiyay Lix bil markaan xafiiska joogay” ayuu sheegay wasiirka wasaarada Duulista Hawada ee Xukuumaddda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Ooomar

Baraha bulshadu ku wada xiriiraan ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyay warar sheegayay in la soo xiray Wasiirka oo ku eedeysan arrimo la xiriira musuq-maasuqa, hasse ahaatee Wasiirka Oomaar ayaa ka soo muuqday warbaahinta kuna tilmaamay arintaa dacaayad raqiis ah oo faafiyeen dad dano gaar ah leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]